|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Warshaddii Baastada ay ku dileen Ciidamo Itoobiyaan ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay shan Askari ka dileen Ciidamada Itoobiya oo ay dhufeysyo uga qodnaayeen iridka hore ee Xaruntii Warshadda Baastada, kuwaasi oo uu sheegay in ay xitaa qaadan waayeen Ciidamada ku jira gudaha Xarunta Warshadda Baastada.
“Shan askari ayaan ka dilnay Ciidamo dhufeysyo uga qodnaayeen iridka Xarunta Warshaddii Baastada, cagta ayaana marinay gebi ahaanba dhufeysyadaas”ayuu yiri Mr Caddow oo sheegay in dhinacooda ay seddex dagaalyahan uga dhaawacantay dagaalkaas, kuwaasi oo uu Alle uga baryay inuu caafimaad siiyo.
Cabdiraxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay dagaalka sii wadi doonaan tan iyo inta ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxayaan Dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamada Itoobiyaanka ay haatan soo yaraaneyso awooddoodii, ayna u baahan yihiin in dagaallada lagu sii wado si buu yiri ay Soomaaliya uga baxaan.
Wuxuu ahaa weerarkii seddexaad oo muddo todobaad gudahiis ah ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ku qaadaan Fariisinka ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xarunta Warshaddii hore ee Baastada, waxayna weerarro midkii xalay ka horeeyay ku qaadeen xarunta Warshaddii Baastada.
|